Waxaa maalintiisii labaad galay Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee ka socda magaalada Garoowe. Bandhigan ayaa waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah kaasi ay ka qeybgalayaan Ganacsato iyo maalgashadeyaal wadamo kala duwan ka socda.
Waxaana shirweynaha ka soo qaybgalay ganacsato isugu jirta Soomaali iyo ajaaniib kuwaas oo danaynaya inay maalgashadaan degeenada hoosyimaada dowlad goboleedka Puntland.
Dowladda Puntland ayaa ahmiyad gaar siinaysa kobcinta, dhaqaalaha , ganacsiga iyo maalgashiga waana shirkii labaad ee ku saabsan Maalgashiga oo lagu qabto Puntland. Shirkii kan ka horeeyay waxaa la qabtay 15-kii September 2019.