Shirqool ay ka Badbaaadeen Madaxweynayaashii hore iyo wafdigii la socday. Xog run ah

Reading Time: 3 minutes

Muqdisho Online aya baaritaan ku sameysay sida dhabta ah ee ay saaka wax u dhaceen, waxaa u suurta gashay wariyaha MOL in uu wareysto goobjoogayaal kuwaasoo si faahfaasan uga warbixiya sida ay waxa u dhaceen:

Saaka 7:00 aroornimo markii ay garoonka  Aden Cadde Madaxdu soo galeen, wakiilka sharikada dayaaradda ayaa ku yiri: Baladweyne ayaa nalaga soo wacay oo ma soo kici kartaan baa la yiri, ee Baladweyne la xiriira, isagoon wax tafaasiil dheeri ah bixinin. Haddaba Waxaa la billaabay inay odayaasha Baladweyne la xiriiraan, MW Waare,  Cali Guudlaawe, Carraale, waqti dheer ay kuu qaadatay inay  helaan tan oo u muuqatay shirqool iyada lafteeda. Dhammaantood waxay xaqiijiyeen  inaysan jirin wax amar ah oo dhankooda ka socdo oo Xamar loo soo diray , soona daji karaangoor walba.

Hasa yeeshee 8:00 subaxnimo waxaa garoonka soo galay ilaaladii RW Kheyre  oo la sheegay inay Baladweyne u socdaan. Waxaysa u fahmeen inay tahay  habdhaqan siyasadeed oo si xun loo maareeyey si RW looga hormariyo, taas oo aysan wax weyn u arag masuuliyiintii u socday Beledweyne.

Xaalku marku halkaas Marayo Waxaa xiriir lala sameeyey  taliyahii Amniga garoonka, maareeyahii garoonka iyo taliyahii booliska, waxaana laga codsaday inay sharaxaad ka bixiyaan cidda haysata madaxda ee diiday inay tabarrucaad u geeyaan shacbigooda Beledweyne ku dhibaateysan.

Waa la isku warwareegtay, qof kastana waxuu sheegay inuusan arrintaa masuul ka ahayan, laakiin ay hayaan war sheegaya in Garoonka Baladweyne qoyan yahay oo xalay roob ka da’ay. Waxaa loo xaqiijiyey inaysan taas jirin oo dadkii soo dhawaynayay Madaxweynayaasha iyo wafdiga oo mucawinada sugi la’ ay joogaan garoonka Baladweyne oo lagu sugayo, garoonkana uu yahay nadiif qallallan.

Markii ay is fiiriyeen waxay yiraahdeen haddii ay sidaas tahay waad bixi kartaan, laakiin idinka ayey idiin taal arrintaas khaterteda ( at your own risk), sidii ayaanna ku soo baxday  dayuuraddii siday madaxda iyo wafdiga 11:20 markii ahayd.

Waxaasa yaab kale dhacay 12:00 markay tahay ayuu duuliyihii dayaaradii hawada galiyey, ayaa dib loogu amaray inuu ku soo celiyo  Xamar. Duuliyiihii oo yaaban  ayaa kuu yiri Madaxdii  waxaa la igu yiri “Garoonka laguma degi karin oo wuu qoyaan”.

Halkaas waxaa ka muqatay inay arintu tahay mu’aamarad siyaasadeed ee Garoonku aanu qoyanayn, laakiin duuliyaha oo leh mas’uliyadda dayuuradda iyo rakaabka xelligaas cidkasta ha ahaatee ayaa ku adkaystay inuu Xamar ku noqdo.

Hasa yeshee Waxaa xooga 20 daqiiqo kadib ayey xaqiiqsadeen Madaxda in dayaaradii noqotay oo Baladweyne u jeesatay, waxuuna nooo sheegay in garoonka lagu degi karo inkastoo uusan nla wadagin madaxda amarrada iyo cida u ka qaadnayey  kadib 1:00 ayey dayuuradda  ka soo degtay Baladweyne.

Sidii la sii ogaa Garoonka waa qalalnaa, siigo ayaaba ka kacaysay, waxaana waxyar ka hor ka soo degtay dayaarad weyn oo xamuulka u qaada Amisom.

Taasina waxay muujineysaa inay ahayd mu’aamarad siyaasadeed iyo kaa adki Mana jirin sabab lagu celiyo dayaaraddaan mucaawinada u siday walaalaha Baletweyne ee biyaha ku dhex noolaa muddo.

Tallaabadan waxay u muuqataa inay ahayd tallaabo loogu talagalay:

  1. In lagu khaarijoyo madaxdan iyo Wafdiga maadaama ay dayuuradda ku soo duushay waxa loo yaqaanno “At your own Risk” oo ah hab khater ku ah duulimaadka dayuuradaha oo dayuuradda uu cidla shidaalka uga dhammaan karo.
  2. In dadka Balatweyne lagu sii hayo xaaladda Murugada leh oo ay ku jiraan.
  3. In la soo dadajiyo carada iyo Xanuunka dowlad xumo ee dalka ka jirtaa si haddiiba ay madaxdani yihiin kuwa wax ka qaban karaa ay u dhaqaaqaan.
  4. In la hubo in MW Farmajo, RW Kheyre, Guddoomiye Mursal iyo Fahad Yasiin ay ku talagaleen in tallaabooyin soo dadajinta isku dhac rasmi ah ka bilowdo si ay cududooda u tusaan mucaaridka.

Ugu dambeyn arrintaa waxay ahayd shirqool khater lagu geliyey laba madaxweyne oo hore iyo wafdi xildhibaanno ah oo ballaaran. Waana inay jirataa cid ku baxdaa oo loo qabsado falkan isku dayga dil  ee saaka lagula kacay madaxdaan.