Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa kula shiray xildhibaanada beesha Daarood ee ku jira golaha baarlabaanka ayaa si kulul ugu eedeeyay in aay raalli ka yihiin in la cinqilaabo. Farmaajo ayaa ku nuux nuuxsaday in dowladdiisa ay ka socon la’adahay beesha Hawiye oo raba in ay markale kursiga dib ugu soo noqdaan.
Madaxweyne Farmaajo aya raba in uu qabyaaladeeyo fashilka ku yimid hoggaankiisa wuxuuna isku dayayaa in uu dusha ka saaro xidlhibaanada beesha Daarood hoggaan xumidiisa. Mar uu qeylinayay ayuu yiri “Bal fiiriya ILAAH baan idinku dhaarshay, RW Kheyre wuu soo celiyay Waare oo ay isku hayb yihiin; idinkana waxaa la idinka rabaa in aad qabataan raggaan waalan ee Madoobe iyo Gaas” Waxaa uu hadalkiisa ku sii daray “Waan garan karaa Gaas waa nin waalan oo in uu Madaxweyne halkaan ka noqdo ku waashtay, balse maxaa ka maqan Axmed Madoobe? Yaa ii sheegi kara waxa uu rabo? Haa cid taqaan malaha, waxaa waalaayo oo ku shaqeysanaayo Gaas” Ayuu yiri Farmaajo.
Xildhibaanadii shirka ka qeyb galay oo gaaray ilaa soddomeeyo xildhibaan ayaa intooda badan ka gaabsaday, walow uu meesha ka hadlay tix hees ah oo uu soo wadana ka sheegay Cabdi Shir Ciyaal Jecel. Tixda oo uu ugu magacdaray “Mugdi ifiyihii Maxamed”
Xildhibaanada qaar ayaa si dadban ugu sheegay Madaxweyne Farmaajo in aanan lagu haysan qabiil, balse la dhaliilsan yahay hoggaankiisa qar iska tuurka ah.