Shirkii wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa goordhaweyd Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

RW Rooble ayaa shir Guddoominaya kulanka, waxaana sidoo kale ka qayb galaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddiimiyaha Gobolakni Banaadir Cumara Filish.

Sida la filayo waxaa shirka lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doona arrimo dhowr ah, iyadoo sida wararka qaar sheegayaan lagaga arrinsan doonaa qodob ok la xariiraan doorashada dalka ka dahcaysa, iyadoo ay macquul ah in is beddal lagu sameeyaa qaar ka mid ah Qodobadii ay horay uga soo saareen shirkii kan ka horreeyay ee Afisyooni lagu kala saxiixday.