Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalintii afaraad ka socday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa goordhow lasoo gaba-gabeeyay, iyada oo weli Madaxda is afgarad ka gaarin dooddihii u dhaxeeyay.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxda aysan weli is afgarad ka gaarin dooddihii u dhaxeeyay ee arrimaha Amniga iyo doorashada, waxaana la sheegay in doodo adeg laga yeeshay arrimahaas.
Sida ay ilo xog’ogaal ah u sheegay MOL shirka ayaysan u muuqan in uu dhawaan soo dhamaan doono maadaama ay jiraan caqabado badan oo ku hareeraysan geedi socodka shirka.
Shirka Golaha ayaa gelinkii hore ee Maanta mar qarka u fuulay in lagu kala tago, iyadoona Marxalada uu maanta galay shirka ay aheyd tii ugu adkeyd, waxaana Madaxda ay isku soo laaban doonaan habeen dambe, si ay kulamo kale u yeeshan.