Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Caawa ka furmay Hotel ku yaalla Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble, waxaana ku wehliya Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waana markii ugu horeyay ee shirka habeennimo la isugu yimaado, kana dhacdo Hotelka Decale.
Kulankii Khamiisa oo la isku mari waayey, kadib ayey Ra’iisal wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku ballameen inay caawa sii wadaan shirarkoodii.
Arrimaha ugu weyn ee la isku mari waayey waxaa ka mida Amniga Qaranka oo mas’uuliyaddiisa uu doonayo inuu qaado Ra’iisal wasaaraha, Dardargelinta iyo jadwaleynta Doorashadda.