Shirkii oo caawa lagu kala tagay iyo madaxda dowlad goboleedyada oo beri ka dhoofaya Garowe

Reading Time: < 1 minute

Sida ay MOL u xaqiijiyeen qaar ka mida madaxda dowlad goboleedyada shirkii caawa ayaa lagu kala tagay ka dib markii Farmaajo iyo Kheyre ku adkeeysteen moqwifkoodii keenay fashilka shirka.

Qaybtii ugu horeeysay ee wafuudii shirka timid ayaa berito ka dhoofaya magaalada Garowe iyaga oo ku noqonaya goobihii ay ka yimaadeen.

Safiirada Beesha Caalamka ayaa hadda teleefano kula hadlaya madaxda labada dhinac iyaga oo ku adkeeynaya in ay sii joogaan Garowe oo ayan kala tagin ilaa xal lagu gaaro.

Burburka shirkaan ayaa waxa uu keeni doonaa in dowlada Farmaajo ay ku soo aruurto magaalada Muqadishu.