Shirkii mucaaradka ee ka socday Nairobi oo dhawaan laga soo saari doono Warmurtiyeed

Reading Time: < 1 minute

Waxaa gabagabo maraya  kulankii maanta ugu socday mucaaradka Dowlada Farmaajo magalaadda Nairobi. Xubanaha ku sugan shirka ayaa waxa ay ka doodayaan qaabkii dalka isbadal siyaasaded oo mug leh loogu sameeyn lahaa. Waxaa laga hadlay xaalada cakiran ee u dalku marayo iyo in ay lama huraan tahay in la helo mucaarad midaysan oo dalka badbaadiyo Farmaajo iyo Kheyre.

Qodoabda la filayo in ay ka soo baxayaan kulankaas ayaa waxaa ka mida magaca loo bixinayo dhaqdhaqaan iyo qaabka uu  shaqeyn doono. Waxa kaloo la filayaa in ay soo saareen baaq ku wajahan Dowladda Fedaraalka iyo Beesha Caalamka.

Kulankaan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noocaan ah oo ay ku kulmaan mucaaradka ka soo horjeedo Dowlada Farmaajo. Waxaana dhaqdhaqaan uu ku abuuray Farmaajo iyo Kheyre wal-wal cusub kaas oo saameyn ku yeelan doono geedi socodka dowlada Farmaajo.