Shirkii Jaraa’id ee MW Xasan SHEEKH & MW. Erdogan oo soo dhammaaday

Reading Time: < 1 minute

Waxaa goordhow soo idlaaday shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen labada Madaxweynaha JFS iyo dhigiisa Turkiga. Madaxweyne Erdoğan oo ku dheeraaday xiriirka labada dal, ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya ka taageereen dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo Amniga.

Wuxuu sheegay in ay Soomaaliya u tababbareen shan kun oo ciidama kumaandoos militari ah iyo kun booliska sida gaarka ah u tababbaran. Wuxuu sheegay in uu ku faanayo in dalkiisa Muqdisho ku leeyahay safaaradda ugu weyn dunida. Wuxuu intaa raaciyay in uu tan iyo 2011-kii oo sedex jeer booqasho ku yimid Muqdisho.

Iskaashiga dhaqaalaha labada dal ayuu sheegay Erdogan in uu gaaray 363 Milyan dollar , wuxuu kordhay sanadkii hore boqolkiiba 30%, halka sanadkii 2013 uu ahaa kaliya laba milyan dollar.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa in xiriirka kala dhexeeya Turkiga uu yahay mid gaar ah, wuxuu kaga mahad celiyay Turkiga sida hagar la’aanta ah oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliya u garab istaagay.

Madaxweyne Xasan Shiikh, wuxuu adeegsanayay luuqadda Soomaaliga intii uu socday shirka jaraa’id si la mid ah dhiggiisa Erdoğan oo adeegsanayay luuqaddiisa.