Shirkii Hobyo oo socoda & Kheyre looga digay in uu isku dhinac furo labo shir (Daawo)

Reading Time: < 1 minute

Gudiga qaban qaabada iyo maamulka shirka Wadatashiga Hobyo ayaa qoraalo ay u direen beesha caalamka waxa ay ka digeen iyo labo shir oo kala aragti duwan la isku dhinac furo taas oo keeni doonta in dhaawacdo mustaqbalka Geedi socodka Nabadda ee Galmudug.

40 cesho ka hor ayaa lagu dhaawaqay shirka Hobyo waxaana in mudo ah lagu soo jiray qabanqaabadiisa. Waxa  shirka Hobyo si rasmi ah loo furay 15 juulaay walina waxaa ku soo qulqulaya magaalada Hobyo ergooyinka shirka.

Shanta beelood ee beelaha Habargedir ayaa jufa kastaa waxaa lagu qoray in ay bixiso $70,000 taas oo lagu maaraynayo shirka.

Hadaba labdii asbuuc ee u danbeeysay ayaa Xasan Kheyre waxa uu waqti badan galiyay in uu fashiliyo shirka Hobyo isaga oo iclaamiyay in uu qabanaayo shir kaa ka soo horjeejo oo uu iclaamiyay in lagu qabto magaalada Dhuusamareeb.

Hadaba afhayeenka shirka Hobyo ayaa u sheegtay saaxadda in shirka hobyo uu ku socdo jadwalkiisa ergadiina ay ku soo qulqulayso magaalada Hobyo waxaa kale ee uu heegay in qaar ka mida beelaha dega Galmudug ay ugu yabooheen shirka  xoolo iyo rasumaal kale.

Dhanka kale xassan kheyre ayaa lacag badan ku bixiyay sidii uu beesha Cayr meel isugu Keeni lahaa taas oo macnaheedu yahay in uu ugaaska beesha Ceyr ku qanciyo in uusan tagin shirka Hobyo taas oo ka dhigaysa shirka Hobyo mid aan loo dhamynin oo uu Kheyre uga soo horjeesan doono ga’aanada ka soo baxo shirka.

Waxaa nasiib xumo ah in Xasan kheyre uu diyaarad ku soo daad gureeyo ergo been ah iyo oday Dhaqameed gacan ku rimis ah oo u xalaaleeya doorashada been abuurka ah ee uu damacsan yahay in uu ku qabto Dhuusamareeb labo asbuuc ka dib.

Halkan ka daawo warbixinta shirka