Shirkii GWQ ee maanta oo qarka u saaran in uu fashil ku soo dhamaado

Reading Time: < 1 minute

Shirkii wadatashiga Qaran oo galay maalintii afaraad ayaa hada lagu soo kala tagay oo salaada iyo qado la’aaday. Wali waxaa la isku mari waayay arimaha amniga dalka iyo qodobadii aasaasiga u ahaa shirkaas.

Waxaa muuqato in ay jiraan aragtiyo kala duwan oo la xiriira qaabka loo taabagalinayo geedi socodka doorashooyinka dalka.

Lama oga in maanta markale shirka dib la isugu soo noqon doono iyo inkale laakiin gabi ahaanba waxa lumay isaaminida iyo kalsoonida madaxda ka qaybgalayso shirkaas.