Kulankii maanta ee shirka Wadatashiga Qaran oo socday saacado kooban ayaa waxaa la qaatay talooyinkii uu soo jeediyay Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Farmaajo. Farmaajo ayaa horay ugu baaqay in la qabto shirweyne lagu martiqaadayo guud ahaan saamilayda siyaasadda dalka iyo Ururada Bulshada Rayidka.
Kulankii maanta oo lagu aragti kala duwanaa qaabka loo wajahayo qodobada caqabadaha ku ah geedi-socdka doorashooyinka dalka ayaa si wadajira la isugu afgartay in wadatashiyo lala sameeyo saamileyada Siyaasadda dalka.
Talabadaan ayaa ka duwan qorshihii shirka oo ahaa in madaxda dowlad goboleedka ay iyagu si gaar ah u kulmaan, go’aana uga gaaraan geedi socodka doorashada dalka. Maalmha soo socda ayaa wadatishiyo lala sameeyn doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada kadib ayaa madaxda dowlad goboleedyadu qaadan doonaan go’aan buuxa.
Su’aalaha isweydiinta u baahan ayaa ah: Ma waxaa la qancinayaa saaxibada Farmaajo? Ma shirkii ayaa socon waayay sidaas darteed ayaa sheeko cusub la keenay? Maxaa isbadalay?