Shirkii Golaha wadatshiga Qaran oo markale Guul ku soo Dhamaaday.

Reading Time: 2 minutes

Waxaa la soo gabagabeyey kulan kii labaad ee golaha wadatashiga qaran, tan oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyayaasha dalka oo dhan, Sida MW JFS, RW, K/Xigeenka RW iyo Madaxdweynayaasha Maamul goboleedyada.

Kulanka oo laga soo saaray warmurtiyeed  ku wajahan wixii laga wada hadlay waxaa uu muujinyaa in madaxda Somalida ay xallinsan karaan kala aragti duwanaan kasta marka ay kulmaan. Sidoo kale MW Xasan sheekh oo lagu yaqaannay inuu mar waliba la tashado madaxda dalka ayaa shirkan shir guddoominayey.

Hogaamiyayaasha dhabta ahi waxay si dhab ah u daneeyaan dadkooda,  waxayna leeyihiin rabitaan ah inay u adeegaan, si kalsooni ku jirto. Waxay u arkaan inay sharaf iyo mas’uuliyad sare u tahay inay u adeegaan kuwa loogu dhiibay mudnaanta hoggaamineed. Hogaamiyayaasha waaweyni waxay ku dadaalaan inay noqdaan isku xerayaal wanaagsan. Waa kuwa bka  jawaaba baahiyaha ummadda oo la isku halayn karo oo waxay fuliyaan ballanqaadyadooda.

Haddaba, MW Xasan sheekh waxaa uu ballanqaaday inuu bulshada heshiis ka dhigo isagoo ka bilaabaya Madaxda kale ee xogaa dareen ah uu ku kala dhex jiray iyaga iyo dowladda FS.

Muddo dheer waa markii ugu horreysay ee ay wada qabtaan shir saxaafadeed sawir dheerna wada galaan iyagoo ka hadlaya dhibaatooyinka umadda haysta, kuwaas oo mujiyey inay meel uga soo wadajeedaan labada Mcadow ee gaajada iyo Shabaab.

Hooyo Xaawa Cabdi oo suuqa bakaaraha jidka dhexdiisa ganacsi jeeb leh ah ku sameysa ayaa waxay MOL u sheegtay “ Rag waa kii ka tashada dhibaatada umaddooda haysata, sida abaaraha iyo ammaan darrada, markale soo dhowaaw waa in la yiraahdo MW Xasan iyo kuwa garbahiisa taagan”