Shirkii Golaha Wadatashiga oo aan wax go’aan ha lagu gaarin

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiint Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul Goboleedyada ayaa caawa shir ku yeeshay Khadka Internet-ka, iyadoo shirka laga soo saaray go’aan ku saabsan Doorashada.

Kulanka oo ka dhacay aaladda fogaan aragga ayey Golaha Wadatashiga Qaranka uga hadleen xaaladda Doorashada oo laga deyriyey dib u dhaca hareeyay iyo sidii loodardar gelin lahaa.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Gunaanadkii shirka ayaa la sheegay in la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Shirka caawa ayaa la doonayay in laga soo saaro hal jadwal si loo dardar geliyo Doorashada Golaha Shacabka, balse waxaa maanta ka hordhacay Guddiga Doorashada FIET kaddib markii Rooble & Farmaajo aay ku amreen Guddoomiyaha Cirro in uu saaro jadwalka Doorashada oo u muuqda mid aan dhaqan geli doonin.

Rooble & Farmaajo ayaa ku heshiiyay in Doorashada la daahiyo ilaa Bisha May 2022.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!