Shirkii Garowe oo wali lagu kala taagan yahay iyo beesha caalamka oo codsi u gudbisay A. Modoobe

Reading Time: < 1 minute

Shirkii Garowe oo galay maalintiisii lixaad ayaa u muuqda mid aan natiijo ka soo bixi doonin.  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo maanta qorsheeynaayay in uu ka dhoofo magaalada Garowe ayaa cadsiyo kaga yimid beesha Caalamka iyo MadaxweynE Saciid Deni awgood u baajiyay safarkiisii maanta.

Kulankii shalay ayaa waxa uu ku dhamaaday in uu ku dhawaado gacan ka hadal ka dib markii Madaxweyne Axmad Madoobe uu ku eedeyay Farmaajo in uu colaad hurin ka wado degaanka Jubbaland.

Berito ayaa la filayaa in wafdi ka socda beesha caalamka  ay safar ku tagaan magaalada Garowe si ay isugu soo dhaweeyaan dhinacyada isaga soo horjeeda shirka Garowe. Talaabadaan ayaa waxa ay Soomaaliya u celineysaa xiligii ku meelgaarinimada oo beesha caalamka u kala dab-qaadi jirtay madaxda Soomaalida.