Shirkii Garowe oo galay maalintisii afaraad ayaa waxaan ka soo muuqan ifafaalo muujinayo in uu ku dhamaan doono guul. Waxaa wali la isku mari la’ yahay qodobkii ugu horeeyay ee laga hadlay ee la xiriiray xaalada Galmudug. Waxaan ilaa iyo hadda aanan muuqan isku soo dhawaanshiyo dhab ah.
Sida MOL loo xaqiijiyay waxaa caawa magaalada Garoowe ku kulmay wasiiro ka socda Galmudug iyo Madaxda Dawlad Goboleedyada taas oo lagu raadinaayay in la helo xal deg deg ah, wasiirada ayaa la waydiiyay in ay ka talo bixiyaan qaabka xalku noqon karo. Wasiirada ayaa waxa ay sii adkeeyeen mowqofka uu horay u sheegay Madaxweyne Xaaf taas oo salka ku haysay sadax qododb: 1) Aqbalaada iyo hirgalinta heshiiskii Jabuuti oo ay dowada Farmaajo horay u axsaxisay 2) In dowlada Fedaraalka aqoonsado isla markaana adeecdo Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo 3) in Dowlada Farmaajo ay bixiso dhamaan dhaqaalihii dawladdu siin jirtay Maamulka Galmudug iyo lacagta hadda lagu leeyahay.
Intaas kadib ayay Xubnaha dawlad Goboleedyadu dib ugula laabteen Madaxda dawladda Federaalka Somaaliya ee u Madaxwaynuhu hogaaminayo. Waxaa Xubnaha wasiiradda Galmudug sidoo kale la kulmay Xassan Kheyre oo sidaas oo kale ay u hordhigeen qodobada sadexda ah ee kor ku xusan.
Waxaa hadda markale dib uga bilaawaday hoolalka shirarka madaxtooyada shirkii, mana muuqato isku tanaasulaad iyo rabitaan Farmaajo ku doonayo in uu xal u helo xalaad cakiran ee shirka soo wajahday.
Farmaajo ayaa dhankiisa qorsheeynayo in ay uu ka codsado dowlad goboleedyada in ay ogolaadaan in qoraal kooban laga soo saaro shirka kaas oo ku baaqayo in dib la isugu soo laaabto bisha ramadaan ka dib taas oo micnaheedu yahay in aan la isku soo noqon.