Shirkii uu ku baaqay Xasan Cali Kheyre ee lagu sheegay in uu noqon doono mid lagu heshiisiinaayo beelaha wada-dega degaanka Galmudug ayaa waxa loo badalay Saminaar ama waxa afka qalaad lagu yioraahdo “Workshop”kaas oo soconaya mudo shan casho ah.
Gudiga lagu magacaabao Gudiga Dib u Heshiisiinta ayaa u gudbiyay beesha caalamka qoraal ay lacag kaga dalbanayaan isla markaana lagu sheegay qaabka uu dhabacayo kulanla dib u heshiisiinta. Ka dib markii beesha caalamka aragtay qoraalka iyo jadwalka ay soo gudbiyeen Gudiga ayaa beesha caalamka ka gaabsaday in ay taageerto qoshahaas.
Dhanka Beesha caalaamka ayaa loo diray waraaq casuumad ah in ay ka soo qayb galaan kulankaasa, hay’adaha ugu muhimsan ee qaramada Midoobay iyo wadamada taageera Soomaaliya ayaa ka biyo diiday iyaga oo u arka kulanka Dhuusamareeb uu yahay kulan lagu kala geeynayo beelaaha walaalaha ee dega Galmudug.
Shirka ayaa lagu soo koobay saminar ay ka heesayaan hobalada waaberi isla markaan ay ka hadlayaan gudiga dib u heshiisiinta oo iyagu dano siyaasadeed ka leh qabsoomida shirkaan been abuurka ah.
Qaabka loo agaasimay Seminaarka ayaa ka been abuuraya xaqiiqda runta ah ee ka jirta degaanka Galmudug. Shacabka reer Galmudug waxa ay u baahan yihiin Dib u heshiisiin dhab ah taas oo ka dhacda qurac hoostiisa. Dhanka kale dib u hesiisiin reer Galmudug waxa ay u baaahan tahay waqti iyo juhdi ka madax baan qorshaha Xasan Kheyre ee uu doonayo in maamul macbal ah u soo dhiso Galmudug.
Halkaan ka aqriso jadwalka loo gudbiyay beesha caalamka
[pdf-embedder url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2019/08/Conference-Agenda-Schedule-English.pdf” title=”Conference Agenda & Schedule – English”]