Shirkii dib-u-heshiisiinta oo lafilayo inuu maalinta Isniinta ka furmo Baydhabo

Reading Time: < 1 minute

Guddiga farsamo ee shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed ayaa shaaciyay xiliga uu furmayo shirkan oo ah mid si weyn isha loogu wada hayo.

Guddiga oo warsaxaafadeed soo saaray waxa ay ku sheegeen in shirkan uu furmayo 16-ka bishan oo ku beegan maalinimada Isniinta ee todobaadkan, waxaana ka harsan oo kaliya beri oo Axad ah.

Guddiga ayaa wakiilada beesha caalamka iyo cid kasta oo loo diray casuumaada shirkaasi waxay ka dalbadeen iney deg deg usoo gaaraan magaalada Baydhabo oo ah halka loo cayimay inuu shirkaasi ka qabsoomo.

Shirkan oo lagu heshiisiinayo siyaasiyiinta Koofur Galbeed ayaa sidoo kale looga hadli doonaa xal u helista deegaanada maamulkaasi oo meelo badan oo kamida Shabaab go’doomiyeen.

Sida qorshuhu yahay, madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan furi doono, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda uu u duulo magaalada Baydhabo.