Shirkii dib u heshiisiinta uu X. Kheyre ku baaqay oo burbur ku yimid 

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo beelaha dega Galmudug ay si buuxda uga horyimaadeen shirka uu ku baaqay Xasan Kheyre ayaa qoraal  ka soo baxay Guddiga Shirka dib u heshiisiinta Galmudug maanta lagu sheegay in uu burbur ku yimid shirkii Galmudug isla markaana dib la isugu dayi doono in loo qabto.

Xasan Kheyre oo adeegsanaya Cabdiraxman Baadiyow ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in shirka dib u dhac ku yimid iyaga oo ku sheegay in sabab dib u dhaca ku sheegay “baroordiiqda Eng Yarisow iyo ciida adhxada”.

Hadalka ka soo yeeray gudiga ayaa waxa uu yahay mid ka fog xaqiida isla markaana lagu been abuuranayo geerida Eng Yarisow.  Baroordiiqada Yarisow ayaa loo asteeyay sadax maalin, hadaba hadii ay run sheegayaan maxaa diidaya in bisha sideedeeda la furo.

Shirka ayaa burbur ku yimid mana doonaayaan in ay qirtaan fashilka. Qoraalka maanta ayaa ay ku sheegeen in shir  la qaban doono 17 Bishaan, taas oo ayan marbana macquul ahayn in uu qabsoomo maadaama ay wali taagan yihiin  sababihii marka horeba  ay beeluhu u diideen ka qaybgalka shirkaas.

Xasan Kheyre ayaa qorsheeynayo in uu magalaada Muqadishu ka soo kaxeeyo odoyaal aan cidna matalin kuwaas oo lagu sheegi doono in ay wakiil ka yihiin beelaha Galmudug. Waxaan shaki ku jirin in talabaadaas ay sii fogayn doonto dib u heshiisiinta reer Galmudug.