Shirkii dib-u-heshiiisiinta maanta loogu balansanaa Baydhabo oo baaqday

Reading Time: < 1 minute

Sida ay noo xaqiijiyeen Wariyayaasha nooga soo hadla magaalada Baydhabo, waxaa dib u dhac ku yimid shirkii dib u Heshiisiinta ee uu ku baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe.

Ma cada waqtiga uu furmayo Shirka. Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ayan soo xaadiraynin Shirka ilaa wax laga badalo qaabka loo maamulayo shirka.

Sida muuqata Madaxweyne Lagtagareen ayaa si farsameysan albaabada uga soo xiray kooxaha diidan waqti kororsiga uu baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay hogaankiisa.