Shirkii Xasan Kheyre ku baaqay ayaa markale waxaa ku yimid fashil. Shirkaan oo la sheegay in dib loo dhigay iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo tacsida Eng Yarisow iyo Maalina Ciida ayaa lagu baaqay in la furi doono bisha Agoosto 17 keeda.
Iyada oo xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee Galmudug ka sii daraysay labadii asbuuc ee ugu danbeeysay ayaa beelaha dega Galmudug ka biyo diidsan yihiin in ay tagaan shirkaas.
Sababaha ugu muhimsan ee baajinaya shirka ayaa waxaa ka mida;
- Xasan Kheyre oo uga baxay dhamaan balamihii uu horay ula galay Al Sunna Wajameeca taas oo lumisay kalsoonidii Al Sunna ku qabtay Ciidanka lagu sheegay in ay ka socdaan dowlada fedearaalka in ay la wareegaan Dhuusamareeb.
- Beelaha dega Galmudug oo ka horyimid Qorshe la doonayay in dad aan matalin beelahaas laga soo kaxeeyo Muqdisho si loo isticmaalo inta shirku socdo ka dibna dib loogu celiyo Muqdisho.
- Shirka beelaha Habargedir oo la filayo in wajihiisii labaad la soo gabagabeeyo maalmaha soo socda ayaa waxa lagu go’aamiyay in beesha Habargedir ayan ka qaybgalin shirka Dhuusamareeb . Beesha ayaa waxaa la filayaa in ay magacaawdo gudi arimaha beesha kaas ayaana noqon doono midka ay ka go’do go’aankaan ugu danbeeyo. Gudigaasna ma tagi doonaan shirka Dhuusamareeb.
- Kalsooni daro lagu qabo Urur Diimeedka Al Islah oo loo dhiibay hogaanka shirka kuwaas oo dano siyaasadeed ka leh shirka, gaar ahaan Cabdiraxmaan Baadiyow oo waligiisba ka soo horjeeday qaar ka mida beelaha dega Galmudug. Baadiyow ayaa safar ku tagay magaalada Nairobi dhowrkii cesho ee la soo dhaafay halkaas oo uu Shirar diimeed kula lahaa wafuud ka ka socday dalal gaar ah.
Xasan Kheyre ayaa balan qaaday in uu asbuuca soo socda ku noqonayo magaalada Dhuusamareeb isaga oo wato labo diyaaradood oo ciidan ah kuwaas oo qayb ka noqonaya qorshaha lagula wareegayo magaalada Dhuusamareeb laakiin isagu ku sheegi doono in ay isaga ilaaladiisa ka mid noqonayaan.
Wariyayaaasha uga soo hadla MOL magaalooyinka Hobyo iyo Dhuusameeb oo la xiriiray hogaanka dhinacyada isku haya siyaasada Galmudug ayaa loo xaqiijiyay in uusan shir ka furmi doonin magaalada Dhuusamareeb Sabdiga soo socda oo bisha Agoost ku beegan tahay 17ka.