Shirkii Dh/Mareeb oo u muuqda mid baaqday iyo beelaha Galmudug oo ka horyimid

Reading Time: < 1 minute

Shirkii ay dhawaan ku dhawaaqeen gudigii uu sameeystay Xasan Kheyre ee loogu magacdaray gudiga dib u heshiisiinta Galmudug ayaa ku   noqday magalaada Dhuusamareeb iyaga oo ku soo fashilmay in ay ku qanciyaan beelaha dega Galmudug in ay ka  qaybgalaan kulanka  lagu baaqay in uu qabsoomo bisha Agoosto 5teeda.

Gudiga oo xalay la kulmay Xasan Kheyre ayaa warbixin ka siiyay fashilkii ay la soo kulmeen iyo caqabadaha hortaagan shirka uu Kheyre iclaamiyay. Xasan Kheyre ayaa yiri; “shirku waa in uu qabsoomaa, macquulna ma aha in 350 oday oo anaga adeero noo ah in aan keeni wayno Dhuusamareeb, shirku waa in uu dhacaa waana in aad qaban qaabadiisa bilaawdaan hadda ”.

Hadalka ka soo yeeray Xasan Kheyre ayaa u muuqda in  ay ka go’an tahay in uu shir beeleed been abuur ah qabto isaga oo og natiijo xumida ka dhalan karta shir noocaas ah. Waxa uu qoreshaynayaa in in uu halkaas isugu soo ururiyo dad uu isaga soo xushay oo danahiisa gaarka ka shaqeeya laakiin aan marnaba looga hadli doonin arimo la xiriira dib u heshiisiin iyo dhismo dowlad Galmudug oo la wada leeyahay.

Waxaa nasiib xumo ah in  Xasan Kheyre ka hadal siiyay Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow  kaas oo lagu yiri  sheeg in shirka ay carqaladalo ku yihiin siyaasiyiin. Gaalo iyo muslimiin ayaa og in shirka Dhuusamareeb yahay shir siyaasadaysan marnaba aan laga filan karin natiijo dib u heshiisiineed in ay ka soo baxdo.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado, dhamaantoodna fashil ayuu ku soo dhamaaday.