Shirkii caawa oo ku soo dhamaaday fashil iyo far istuug (warbixin)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa daqiiqado ka hor soo dhamaaday shirkii madaxda dowlad goboleedyadda iyo dowlada dhexe. Shirka caawa oo uusan soo xaadarin Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmad Ducaale Xaaf ayaa ku soo dhamaaday fashil.

Shirkii caawa ayaa la isku afgaran wayay sida ugu fudud ee lagu xalin karo arimaha Galmudug si horay loogu guda galo qodobada kale ee sugaya madaxda shirka ku sugan. Naxiib xumo waxaa muuqata in uu goobta shirka uu ka maqan yahay hogaan qaran oo  iskuu haya madaxda shareeysa.

Maalinta beri ayaa loo balamay in mar kale dib loo kulmo. Wararka ay MOL ka heleyso mas’uuliyiin ku dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu soo diyaarsaday warmurtiyeed loogu ceeb qariyo fashilka ku yimid shirka. Qodobada ku qoran warmurtiyeedka ayaa waxa ka mid in madaxda isku afagaratay la dagaalanaka argagaxisada, Ka hortaga abaaraha dalka ku soo socda, iyo isku dhawaanshaha dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Farmaajo ayaa qorsheynayo in uu maalinta berito ah in uu madaxda dowlad goboleedyaad uu kala hadlo qaabka ugu sahlan ee shacabka rajo lagu galin karo iyada oo aan la muujin in shirki Garowe uu fashil ku dhamaaday. Qaar ka mida dowlad goboleedyadda ayaan manaba ogolaan doonin in laga been sheego fashilka shirka ku yimid.