Shirkii Beelaha Direed ee Addis Ababa oo ay qodobo muhim ah ka soo baxeen (Sawiro, Video)

Reading Time: 2 minutes

Shirkii koowaad ee beelaha Direed ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo la soo gabagabeeyay.

Shirkaan oo ahaa kii ugu horeeyay oo ay beelaha afarta Direed ku shiraan ayaa u jeedadiisu ahayd in lagu mideeyo hogaanka Beelaha Direed. Dadka kulanka ka soo qayb galay oo isugu jiray culumo, salaadiin, aqoonyahNO iyo Siyaasiyiin  ayaa waxa ay ka kala yimaadeed dhamaan Geeska Afrika, sida Kenya, Soomaaliya, Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiye. Sidoo kale qurba joogta Beesh Direed ayaa ayagana soo dirsay wafuud shirka ugu qaybgasho.

ShiRka ayaa looga hadlay sida loo mideeyn lahaa hogaanka beesha direed isla markaana loo xaqiijin lahaa in Beesha Direed doorka ay ku leedahay isbadalka ka socda dalka Itoobiya sidoo ay door fiican ugu yeelan lahayeen.

Shirkaan ayaa waxa lagu soo bandhigay cududa iyo xooga beesha Direed iyada oo ku dhawaaqay in beesha ay wixii hadda ka danbeeya aan xuquuqdeeda siyaasadeed iyo teeda dhaqaale aan la duudsiyi karin. Shirkaas ayaa waxa shir gudoomiyay Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal.

Talabadaan ayaa waxa ay walwal ku abuurtay beelaha Daarood oo ayagu isi siiyay degaanka Soomaalida iyo mataalada Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Itoobiya.

Dhanka kale waxa sidoo kale la iclaamiyay shirwayne kale  daba socda shirkaan oo ay ku shirayaan bealaha direed  kaas oo laga yaabo in uu ka dhaco dalka la maag baxay Soomaaliland

Shirkaan ayaa intii uu socday waxa toos looga daawanaayay Taleefishinka Qaranka Itooboiya.

Halka ka daawo Video

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=IXCN_h7xGDQ[/embedyt]