Shirkii Baydhabo oo ku dhamaaday isfaham, Laftagreen oo helay Sanad & mucaaradkii oo la qanciyay

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaaraya magalaada Baydhabo, shirkii dib u heshiisiinta  ee asbuuciii u danbeeyay u socday mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedka  Koonfur Galbeed,  oo ay dhex-dhexaadinayeen madaxda dowlada Federaalka ayaa la sheegayaa in uu ku soo dhamaaday isfam iyo xal ka gaaris laguwada qanacsan yahay.

Warar hodhac ay ayaa sheegaya in loo ogolaaday madaxweyne Laftagareen in sandkiisii loo daayo, iyada oo sadankaas gudihiisa ama bilaha uga haray sanadka uu soo qaban-qaabin doono doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka dowlad goboleedka.

Dowlada Federaalka ayaana dhankeedna kaalin buuxda ku yeelan doonta qaban-qaabada doorashadaas. Waxaa sidoo kale la isla gartay in deg deg loo soo daayo maxaabiiista u xiran arimaha siyaasadda, iyo in mag laga bixiyo dadakii ku dhintay ama dhaawaca ka soo gaaray khalalaasaha siyaasadeed.

Dhanka kale dowlada Federaalka ayaa dhankeeda balan qaaday in qaar kamida mucaaradka jagooyin looga magacaaabi doono  dowlada Federalka sida safiiro ama wasiiro.

Waxaa kale oo jiro qodobo kale oo la isku afgartay oo la filaayo in caawa la soo gaba-gabeeyo. Maalinta berito ah ayaa madaxweyne Xasan Sheekh loo sameeyn doonaa xaflad sagootin ah, halka Midowga Mushraxiriinta iyagana maalinta xigta  loo sameeyen doono xaflad isugu jirto sagootin iyo madahcelin.

Waxa muuqato in Madaxweyne Laftgareen uu ku guuleystay hamigiisi ahaa inuu ku sii nagaado hogaanka Koonfur Galbeed kaas oo markiisii hore uu ka dhashay khilaafka gacan ka hadalka.

Beesha Caalamka ayaa balan qaaday in ay dhankooda  (marka la soo afjaro shirka) soo saari doono baaq loogu hamblayaynayo reer Koonfur Galbeed heshiiska wadajirka ah ay ka gaareen arimaha siyaasadda.

Hadii ayan wax cusub soo kordhin shirkii dib u heshiisiinta guul ayuu ku soo dhamaaday.