Shirkii 35aad ee madaxda Afrika oo ka furmay magaalada Addis Ababa

(120129) -- ADDIS ABABA, Jan. 29, 2012 (Xinhua) -- Photo taken on Jan. 29, 2012 shows the site of the 18th African Union (AU) Summit in Addis Ababa, capital of Ethiopia. The 18th African Union (AU) summit opened on Sunday in the Ethiopian capital of Addis Ababa, as African leaders gathered with the theme of "Boosting Intra-African Trade." (Xinhua/Ding Haitao) (lr)
Reading Time: < 1 minute

Waxaa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya oo ah xarunta Midowga Afrika ayaa waxaa ka furmay shirka 35aad ee Madaxda afrika kaas oo ay sanand walba iskuuku yimaadaan Dalkaas.Ajandaha shirka ayaa ah Xaaladda Itoobiya, Koofurta Suudaan & waddamada kale ee Qaaradda Afrika, dhanka kale Madaxda Waddamada Africa ayaa ka doodi doona wax ka qabashada cudurka safmarka ee Covid-19 kaas oo dunida saameyn ku yeeshay una baaqday Shirkaan labadii sano ee la soo dhaafay.

Shirka markii uu furmay  Madax qaar oo ka hadashay ayaa soo jeedisay in Israa’iil la siiyo maqaamka xubin goobjooge ah urururka balse qaar ka mid ah madaxda ayaa durbadiiba ka hortimid.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed oo marti galinya waddankiisa shirkaan,  oo ka hadlay shirka ayuu yiri Afrika waxay u baahan tahay xarun warbaahineed oo heer qaaradeed ah si ay ula wadaagto sheekadeeda oo ay ula dagaallanto fikradaha marin habaabinta”.

Shirka oo lagu wado in la soo gabagabeeyo maalinta berito ayaa la filaya in laga soo saaro warmurtiyeed ay ku heeshiiyeen Madaxda Waddamada Afrika