SOMA-OIL oo loo xaqiijiyay in hub ka dhigis lagu sameyn doono Galmudug ka hor 2020

Reading Time: 2 minutes

Waxaa dardar ku socda qorshaha la doonayo in degaanka Galmudug laga sameeyo ciidan gaar ah oo difaaca danaha ay shirkadaha shidaalka ka leeyihiin degaanka Galmudug. Shidaalka ugu badan ee ku jira  Badda  Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu iu jiro degaanada hoos yimaada Galmudug iyo qaybo ka mida Hirshabeele.

Shirarkii ugu danbeeyay ee lala yeeshay shirkadaha  shidaalka  ee lagula heshiiyay inay shidaal ka soo saaraan  badda Soomaaliya ayaa waxa ay dareen ka muujiyeen labo qodob oo ay ku sheegeen in ay asaasi u tahay in la helo inta ay hoowsha baaritaanka bilaaban;

  • Hanashada awooda madaxda iyo shacabka Dowlad Goboleedka Galmudug: Shirkadaha Shidaalka oo lagula heshiiyay in ay bilaabaan baaritanka ugu horeeyay horaanta sanadka soo socda ayaa ka biyo diiday in ay bilaabaan howlgalkooda ilamaa la xaqiijiyo in deegaanka Galmudug madax looga dhigo shaqsiyaad ka amar qaata Xasan Kheyre iyo Fahad Yasin si ayan mustaqbalka carqala uga imaan xaqiijinta taabagalinta qorshaha ay shirkadaha Shidaalkaka leeyihiin  degaanka Galmudug.  Taas oo macnaheeedu yahay in Galmudug laga xureeyo dadka reer Galmudug.
  • In la sameeyo ciidan gaar ah oo laga keenay deegano ka baxsan Galmudug kuwaas oo si xoog iyo farsamo ku jirtaba ula wareega degaanka Galmudug. Taas oo micnaheedu yahay in ay degaanada ku dhaw xeebta xoog lagula wareego, Dadka ku dhaqan degaanadaas laga qaado awood ay mustaqabalka uga hor imaan karaan shirkadaha shidaalka iyo danabooda gaarka ah.

Iyada oo laga duulayo arimahaas ayaa bishii May ee sanadkaan waxaa kulamo lala yeeshay shirkdaha shidaalka oo ka dhacay dalka dibadiiisa iyo gudahiisa kaas oo lagu go’aamiyay in Xukuumada Xasan Kheyre iyo kooxdiisa ay ka dhisaan Galmudug maamul ka amar qaata Xasan Kheyre iyo Fahad Yasin iyo ciidan iyaga u adeega.

Shirkadaha Shidaalka ayaa dhankooda balan qaaday in ay bixiyaan lacago hordhac ah oo la siinayo Kheyre kuwaas oo loo adeegsanayo in lagu kala furfuro beelaha degan Galmudug isla markaana doorashada Galmudug loo isticmaalo dhaqaalahaas.

Shirkadaha shidaalka  ayaa sidoo kale balan qaaday in horaanta bisha Agoosto ay bixin doonaan lacago hordhac oo la siin doono Xukuumada Kheyre. Lacgataas oo cadadkeedu lagu qiyaasay in ay tahay 10% lacagaha hordhac ah oo horay loogu heshiiyay.

Marnaba qorshaha uguma jirto Xasan Kheyre in wada xaajood rasmi ah laga galiyo dadka ku dhaqan degaanka Galmudug  ama uu u ogolaado in ay iyagu go’aan ka gaaraan dhaqaalaha ka imaanaya shirkadaha shidaalka ee horay looga soo heshiiyay.

Waxa uu ku qanciyay ganacasada beesha Ceyr  in ay tageeraan qorshaha Kheyre iyaga oo loo tusay in qandaraaska  shidaal soo saartida iyaga la siin doono. Arintaan ayaan ahaynin mid  run  ah kana tarjumaynin xaqiiqda jirta. Kheyre ayaa doonayo in uu ku owr kacsado beesha Ceyr laakiin qorshuhu intaas waa uu ka weyn yahay.

Waxaa nasiib xumo ah in dadka ku dhaqan degaanka  Galmudug ay garan la’yihiin in go’aanka ugu danbeeya ee la xiriira kheyraadka dhulkooda ay iyagu leeyihiin.

Kheyer oo caan kua ah indha sarcaadka iyo been abuur ayaa dubradiiba bilaabay in diyaarado ka socda wadamo gaar ah ay duulimaad ku tagaan degaanka Galmudug si loo tuso shacabka iyo hogaanka Galmudug awoodiisa iyo mustaqbal ku dhisan been abuur. Su’aashuse  waxa ay tahay Kheyre ma ku guulaysan doonaa indha sarcaadkiisa?.

Marnaba suuragal ma ahaan doonto in shacabka Galmudug laga xureeyo Galmudug, waxaase xaqiiq ah in ay keeni doono dagaal dib uga soo cusboonaado Galmudug.