Shirkadii SOM OIL ee uu horay u sameeystay Xassan Cali Kheyre oo dhexdeeda ka bilaawday bur-bur ka dib markii dagaal ka dhex qarxay kooxdii loo xalaaleeyay dhaca Kheyraadka Soomaaliya. Waxa ay ahayd asbuucyo ka hor markii shaqo ceyrin lagu sameeyay agaasimayaashi shirkadda Mr. Basil Shiblaq iyo Mr. Robert Allen Shepard. Iyada oo dagaalku meel xun gaaray ayaa waxaa iyadana hadda la ceyriyay gudoomihii shirkadda Lord Haward.
Shirkadda SOMA OIL ayaa waxaa hadda ku socdato dacwo iyo baaritaan ay sameeynayso dowlada Ingiriiska kuna saabsan musuq-maasuq lagu sameeyay hantidii laga soo dhacay shabacka Soomaaliya. Iyada oo wadamo kale baaritaan ku sameeynayaan dhaga kheyreaadka Soomaliya ayaa hadana dowladii wakiilka ahayd shacabka Soomaaliyeed ay ka amusant tahay, gaar haan baarlaamka Soomaaliya.
Si uu isaga fogeeyo ceebta uu isaga abuuray ayuu Xassan Cali Kheyre waxa uu saamigisii uu ku lahaa shirkadda waxa uu ku wareejiyay xaaskiisa iyo ninka mamulaha ka ah hotel Jaziisa ee ay ilma adeerka yihiin Maxamed Abdikarin Gaanbe.