Shiradaha shiinaha ee sida qarsoon loogu ogolaaday in ay ka kuluumeystaan Badda Soomaaliya ayaa sida ku qornaa heshiikii lala galay waxa ay dabayaqadii bisihii hore iyo horaantii bishaan ay soo shubeen lacagihii lagula heshiiyay.
Lacagahaas oo la soo mariyay Koontooyin Dowladu leedahay ayaa waxaa maalintii shalay ahayd amar ku soo rogay Xassan Cali Kheyre isaga oo sheegay in maamulka lacagtaas isaga lagu soo wareejiyo. Sida ku qoran heshiisyada ayaa ahaa in lacagtaas qaybo ka mida loo diro dowlad goboleedyada.
Xassan Kheyre ayaa ku dooday in dowlada haysato dhaqaali xumi badan isla markaana uu isagu maamuli doono qaabka iyo meesha lagu bixinayayo lacagtaas. Arintaan ayaa waxa ay caqabad hor leh ku sii noqon doontaa xiriirka u dhaxeeya dowlad Goboleedyadda iyo dowlada dhexe. Kheyre ayaa doonayo in uu si gaar ah uu u isticmaalo lacagtaas.
Dhanka kale waxaa jira heshiisyo ka baxsan kan ay shirkaduhu la galeen dowlada Soomaaliya kuwaas oo si gaar ah u quseeyo shaqsiyaad uu ku jiro wasiirka kaluumeysiga Cabdillahi Bidhaan Warsame: , wasiirka Oorsheynta Jamal Maxamed iyo Xaaskiisa Hodan Cusmaan oo ku nool dalka Shiinaha. Waxaa MOL loo xaqiijiyay in lacago dheeraad ah loogu shubo koontiyo ay shaqsiyaaskaas si gaar ah u leeyihiin.