Shirkadihii Shiinaha ee laga iibiyay Shatiyada kalumeysiga oo heshiis gaar ah la galay madax ka tirsan DFS (Fadeexad & Cadeymo)

Reading Time: 8 minutes

Dabayaqadii sanadkii hore ayaa Xasan Cali Kheyre  oo aan kala tashan golahiisa Wasiirada, Dowlad Goboleedyada, Fadaraalka Soomaaliya iyo Hay’adaha ay quseyso arimaha Badda Soomaaliya waxa uu Shatiyo (Fishing Licenses)  siiyay 31 shirkadood oo kaluumeysato Shiino ah.

Shirkadahaan ayaa sida loo sheegay saxaafadda waxa ruqsado loo siiyay in ay ka kaluumeystaan Badda Soomaliya oo ah badda ugu xeebta dheer qaarada Africa. Ruqsada la siiyay ayaa waxa ay DFS ku bedalatay lacag  lagu sheegay Hal Milyan oo lacagta Maraykanka.

Shirkadaha kaluumeysiga Shiinaha oo ah shirkado lagu yaqaan xaalufinta badda ayaa ruqsadooda waxa ay awood u siineysaa in sida ay donaan ay uga jilaabtaan badda Soomaaliya, gaar ahaan jilaabashadooda ayaa lagu sheegay in ay ku koobnaan doonto kaluunka nooca loo yaqaan Tuna (tuna and tuna-like species).

Madaama Dowlada Soomaaliya ayan lahayn awood ay ku ogaato nooca kaluunka laga soo qabto  Badda Soomaaliya iyo tiraddiisa ayaa waxa shirkada Shiinaha ay xaalufin aan kala go’ lahayn ku sameeyneysaa qeyraadka dabiiciga ee ku jira Badda  Soomaaliya.

Yaa Fududeeyay Heshiisyadaas

Su’aasha shacabka Soomaaliyeed iyo xeeldheerayaasha cilmiga badda  isweydiinayaan ayaa ah  sidee bey ku dhacday in  31 Shirkadood loo fasaxo in ay sida ay doonaan ka yeelaan Kheyraadka Badda Soomaaliya iyada oo laga qaaday lacag lagu sheegay hal Milyan? Yaa ka danbeeyay qayaanada lagu sameeyay shacabka Soomaaliyeed? Ma jiraa heshiis hoosaad lala galay shirkadahaas oo si qaasa lacag gaar ah lagu siinayo siyaasiyiin Soomaali ah? Lacagaha sida gaarka ah looga qaato shirkadahaas yaa qeybsada? Koontooyinkeese lagu soo shubaa?.

Muqdisho Online ayaa in mudo ah waxa ay  dabagal iyo baaritaan dheer ku sameeyneysay qaabka uu ku yimid heshiiskaan  iyo dadka iska kaashaday ee danaha gaarka ah lahaa.

Baaritaan dheer ka dib  ayaa MOL waxa ay ogaatay in ay jiraan heshiisyo gaar ah oo loola galaya shirkadahaas iyo uruka wakiilka ka ah  shirkadahaas ee loo yaqaan “the China Overseas Fisheries Association”. Ururkaan oo la aasaasay sanadkii  2012 ayaa ujeedadiisu tahay in uu u fududeeyo in shirkadaha Kalmuumeysiga Shiinaha in qayb wayn ka helaan tartanka loogu jiro badaha Africa iyaga  oo istcimaalaya qaabkastaa oo ay ku suuragaleyso in shirkadaha Shiinaha ay ka kaluumeystaan badaha uu kaluunku ku badan yahay sida Badda Soomaaliya. Marka ay leeyihiin qabkastaa ayaa waxaa ka mida qabaabkaas  in “xataa laaluush la bixiyo ama la iibsadao madaxda hay’adaha u qaabilsan kaluumeysiga”. Shirkadaha Shiinaha ayaa waxa ay ku guuleysteen in ay heshiis hosaad la galaan hogaanka dowlada Fadaraalka, gaar ahaan Wasiirka Kaluumeysiga Cabdillahi Bidhaan Warsame iyo ka Ra’iisal Wasaare Kheyre taas oo keentay in ay si hoose oo deg deg ah ruqsadaha (Shatiyada) kaluumeysiga lagu siiyo shirkadahaas.

Maxuu dhigayaa Heshiiska

Heshiiska caamka ah ee lala galay shirkadahaas ayaa sheegaya in ay heshiika laga bilaabo bisha Disenbar 2018 uu heshiiskaas noqonayo heshiis hal sano ah laakiin waxaa lagu dartay heshiiska qodod sheegaya in ayan muhim ahaynin in heshiiska cusbooneysiin lagu sameeyo, taas oo macnaheedu yahay marka heshiiska dhamaado waqtigiisa uu hadana si “automatic ah” uu isagu isku cosbooneeysiin doono  taas oo lagu yiraahdo afka qalaad an automatic renewal.

Shirkadahaas ayaa u fasaxan in ay ka jilaabtaan inta u dhaxeeysa  Cabirka 24 nautical Miles ama 44 kiiloomitir  oo ku aadan  dhanka danbe ee Badda  Soomaaliya  (seaward side of the Somali baseline) iyo badda  Soomaaliya  dhankeeda hore oo lagu yiraahdo afka qalaad “Somali baseline”.

Heshiiska ayaa lagu daray qodob sheegaya in dowlada Soomaaliya ay markii ay doonto u yeeri karto maraakiibta Shiinaha si loogu sameeyo kormeer (inspection). Aritaan ayaa ah mid lagu been aburanayo shacabka Soomaaliyeed. Dowlada Soomaaliya ma qabto maraakiib sameeyn karta  ama hay’ado sameeyn karo baaritaan maraakiib? Ma jiraan dad  Soomaaliyeed oo u tababaran, haystana qalabkii baaritaanka oo baaritaan ku sameeyn kara shirkadaha Shiinaha.  Dhanka kale marka aad  digniin u dirtid ama aad u sii sheegtid maraakiibta shinaha  in la baarayo maxaad ka filan kartaa? Dhamaan qodobadaan ayaa ah kuwo been abuur ah laguna xalaaleysanayo qeyraadka Soomaaliya.

Stig Jarle Hansen,oo macalin ka ah Jaamacada Life Sciences ee ku taal magalaada Oslo ee dalka Norway ayaa yiri “Soomaaliya ma qabto qaab ama hay’ad dabagal iyo baaritaan ku sameyn karta cadadka iyo nooca kheyraadka ay shirkadaha Shiinaha kala baxayaan badda Soomaaliya”.  Waxa uu intaa ku daray “waxaa nasiib xumo ah  in maraakiib Shiina ah lagu fasaxo badda Soomaaliya”.

Qaabka loo dhigay heshiiska ayaa waxa uu u fududeynayaa shirkadaha Shiinaha in ayan marnaba u baahnaan doonin in ay dowlada Soomaaliya ay marka kale horyimadaan si ay u waydiistaan ruqsad cusboonaysiis.

Hadda waa maxay ujeedada ka danbeeysa heshiiska sidaan u qoran? Ujeedada rasmiga ah ee laga  leeyahay qaabka uu u qoran yahay heshiiska ayaa ah in hadii xataa madaxda dowlada ee heshiiskaan saxiixday shaqada la ceyriyo ama waqtigooda dhamaado ay lacagta ka baxsan heshiiska dowlada Soomaaliya lagula heshiiyay ay u socon doonto. Waa qaab horay hanti badan oo Soomali ah lagu dhacay ilaa haddana loo itcimaalo boobka hantida qaranka.

Dhanka kale kuluumeystada yar yar ayaa wal wal ka muujiyay heshiiskaan. ”Haddaan nahay kallumeysatada yar yar ee Soomaaliyeed walaac ayaan ka qabnaa heshiiskaasi, maxaa yeelay naloo ma sheegin cidda ilaalineysa, yaa kontorolaya maraakiibtaasi haddii ay yimaadaan goobaha ay ka kalluumeystaan kalluumeysatada yar yar”. ayuu Xasan Maxamed Rooble oo ah Guddoomiyaha Daladda Iskaashatooyinka Kallluumeysiga.

Yaa heshiiskaan ka soo shaqeeyay oo lacagta qayb ka qaata?

Hadaba yaa heshiiskaan  qayb ka ah kana soo shaqeeyay in heshiis noocaan ah  lala galo shirko Shiina ah. Marka laga reebo Ra’iisal Wasaare Kheyre oo kor ka maamulayay heshiiska isla markaana is qaraniya,  Waxa hoowshaan u xilsaarnaa Wasiirka Kaluumeysiga iyo sadax qof oo ay isku qoys yihiin:

  • Wasiirka Kaluumeysiga, Cabdillahi Bidhaan Warsame: Wasiirka ayaa waxa uu sadax kulan oo kala duwan la qaatay madaxda ururka China Overseas Fisheries Association (COFA) isaga oo heshiis hoosaad isaga u gaar ah la galay ururka oo wakiil ka ah 31da shirkadood. Mid ka mida kulumadaas waxa uu ka dhacay magalada Istanbuul ee dalka Turkiga. MOL ayaa waxa ay heshay xog cadeynaysa in Wasiirka iyo kooxda kala soo shaqeeysay heshiiska loo qoray lacag joogta ah oo lagu magacaabay taakuleynta Wasaaradda Kaluumeysiga iyo sare u qaadida aqoonta kaluumeysatada Soomaalida. (sidee bay macquul ku tahay in shirkado doonayo in ay dhacaan kheyraadka Soomaaliyeed in ay tababaraan kaluumaysato Soomaali oo ay tantan kula jiraan.).
  • lacagta ayaa waxa ay si toosa ah ugu soo dhaceysaa koonto u gaar ah Wasiirka. Wasiir Cabdullahi oo aad uga baqayay in saxaafadda Soomaalida ay dibadda soo dhigto heshiis hoosaadka uu la galay Kaluumeysatada  Shiinaha ayaa waxa uu qarash kor dhaafaya $65,000 uu siiyay qaar ka mida saaxafada Soomaalida isaga ka codsaday in ay faaniyaan shaqada uu qabtay isla markaana ay ka amuusaan dhaca hantida Soomaaliyeed. Wasiir mushaarkiisu ka yar yahay $5,000 oo doolaar halkee buu ka keenay lacagtaas?. Dhanka kale RW Kheyre ayaa raaciyay Wasiir Cabdullahi Ganacsato ay isku beel yihiin kuwaas oo lagu amray wasiirka in ay la maareeyan dhag-dhaqaaqa shirkadaha. Qaarkood ayaa waxa qandaraas lacag ah lagu siiyay in ay noqdaan shirkadaha wax baaraya inkastoo ayan aqoonin sida wax loo baaro islamarkaana ayan waxba kala socon arimaha Badda. Waa qaab naasnuujin cusub  ah oo lagu dhacayo kheyraadka dalka.
  • Maxamed A (Maxamed China), ayaa ah qofka ka soo shaqeeyay in heshiis lala galo shirkadaha Kaluumeysiga. Maxamed oo ku hadla afka Shiinaha ayaa ay isku beel ka soo jeedaan Wasiir Cabdullahi dano badana oo ganacsina ay ka wada dhaxeeyaan. Maxamed waxa uu xafiis ku leeyahay dalka China kaas oo lagu sheego in uu u furan yahay howlo ganacsi. Maxmed ayaa waxa uu fududeeyay dhamaan kulamadii mas’uuliyiinta (COFA) iyo Wasiir Cabdullahi isaga oo labada dhinac lacag ka qaatay. Bishii Octobar ee sanadkii 2018 ayuu Muqadisho waxa uu keenay wafdi kalumeysto shiina ah oo uu dajiyay hotel Al Jazeera kuwaas oo hor dhac ka ahaa shirkadaha heshiika lala galay. Dhanka kale  waxaa xafiiskiisa ku yaalay dalka Shiinaha  ee lagu magacaabo Mass technology and Commerce  maamule ka ahayd Hodon Cusmaan oo uu isagu soo kordsaday adeerna u yahay.
  • Hodan Cusman ayaa ah gabar uu adeer u yahay Maxamed China, isla markaana ay ehel hoose wada yihiin Wasiir Cabdullahi. Gabadhaan ayaa waxa ay soo diyaarisay dhaamaan qoraalada iyo qaab heshiiseedka lala galay shirkadaha iyada oo lagu siiyay lacag horumaris ah oo ay bixisay COFA iyo  qaar ka mida shirkadaha Kaluumeysiga ee la siiyay ruqsada (Shatiga)  kaluumeysiga. Inkastaa oo ay Hodan heshiiska ay ku galeysay magaca dowlada Soomaaliya oo ay sheegan jirtay in ay ka tirsan tahay hadana dhanka Shiinaha waxa ay ka qaadan jirtay lacag. Lacagta oo lagu tilmaamay “Consultant Fee” ama lacagta la talinta shirkadaha Shiinaha. Gabadhaan ayaa dhanka kale waxa ay ku qoran tahay xafiiska Madaxweyenaha Farmaajo iyada oo la siiyay darajada lataliyaha Sare. Hodan Cusmaan ayaa inta ay socdeen saxiixa heshiisyada waxa ay guursatay Jamal Maxamed Xasan oo ah Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Dowlada Fadaraalka. Jamal ayaa horay u qabay Xaas iyo Caruur degan magaalada Ottawa ee Dalka Canada, laakiin wayan danbe degaanaa dalka Kenya.  Jamal ayaa u sheegay qoyska xaaska uu horay uu qabay in guurka uu la galay Hodon  uu yahay mid dani ganacsi ay daruuri ka dhigtay.
  • Jamal Maxamed Xasan oo ah Wasiirka Qorsheeynta Qaranka ayaa isagana waxa uu qayb ka yahay heshiiska, isaga oo istcimalaya magaca Wasaarada Qorsheynta ayaa ka soo dhameeyay MW Farmaajo  in uusan ka hor imaan heshiiska Kaluumeysiga ee ruqsadaha lagu siyayay shirkada Shiinaha. Wasiirk Jamaal ayaa magaalad Doha kula kulmay madaxa (COFA) isaga oo kalsooni buuxda ka siiyay heshiikaan uu socon doono mudo 10 sano.
  • Guurka Jamal iyo Hodan: Labadaan qof oo qayb ka ah heshiiska hoosaadka lala galay shirkadaha ayaa is quursay. Inkastoo Jamal dafaray, hadana is barashada laba dhinac aya salka ku heysay dhaqaalaha ka soo baxayay ruqsada (shatiyada)  la siiyay shirkadaha Shiinaha. Jamal ayaa siiyay Hodon Cusmaan kalsoonida Dowlada Soomaaliya oo ay kula xaajoon karto shirkadaha Shiinaha. Hodon iyo Jamaal ayaa ka qaata shirkadaha Kaluumeysiga lacago joogto ah oo lagu sheegay “consultants”.
  • Sida ay qireen machadyada baara kaluunka, badda Soomaaliya waa bad qani ku ah kaluunka qaybihiisa kala duwan oo ay ku jiraan pelagic fish,   qaybaha kala duwna ee tuna samples yellowfin, longtail, and bigeye tuna. Waxa nasiib xumo ah in koox yar ay xaraashaan kheyraadka dadka Soomaaliyeed.

Heshiis noocaan oo kale ah ma jiraa?

Heshiiskaan  mida la mida ayaa  dowlada Madagascar la gashay shirkadaha Shinaha. Heshiiskaan  ayaa lagu qiimeyay 2.7 Bilyan doolar  10 sano  ah halka Soomaliya qiimeynteeda uu ku kooban yahay  hal milyan oo ah lacagta  ku qoran heshiiska ay labada dhinac wada galeen. Taas oo macnaheedu tahay in sanadkii ay Soomaaliya ka soo galeysa shirkadahaas  12 Milyan oo doolar oo kali ah.

Sida MOL loo xaqiijisay, waxaa jira heshiis hoosaad lala galay shirkadahaas taas oo uu hogaanka u hayo Ra’iisal Wasaare Kheyre. Heshiis hoosaadkaas  ayaa ka imaanaysa boqolaal Milyan oo kaas oo laga qariyay shacabka Soomaaliyeed.

Maxaa dhibaato ah oo ka imaankaro Heshiiskaan

Wadamada ku yaala Koonfurta Afrika waxa ay ku eedeeyeen shirkadaha Shiinaha in ay xaalufiyeen kheyraadka ku jiray badaha ku yagleela Koonfurta Afrika. Waxa ay la baxeen oo ay baab’iyeen dhamaan kheyraadka kaluunka iyo noocyada kala duwan ee xayawaanka ku nool badda. Dowlada Shiinaha  oo ka jawaabeysa eedahaas ayaa waxa ay ku amartay maraakiibteeda in ay ka soo baxaan Koonfurta Afrika. Sida muuqata shirkadahaas ayaa loo soo weeceyay dhanka iyo badaha Soomaalida kuwaas oo xaalufin doona badda Soomaaliya.

Ninka lagu magacaano James King oo u ololaleeya bay’adda ayaa bartiisa bulshada  soo dhigay in Soomaaliya ay shatiyo siisay shirkado shiina ah kuwaas oo laga soo ceyriyay dalalka Argentina iyo Koonfurta Kuuriya   ka dib markii ay xaalufiyeen badaha dalalkaas.

— JAMES (LT) KING (@JAMESLTKING1)

#Somalia gives up its fishing rights to China. China has depleted the seas close to home. Chased out of the waters of Argentina and South Korea. Now the unelected and repressive regime of @M_Farmaajo has given China the green light to strip Somalia’s water bare!

 Maxaa tilaabo ah oo la qaadi karaa?

  • Waa in sida ugu dhaqsiyaha badan Gudiga Baarlamaanka ee Maaliyada iyo Gudiga Kheyraadka ay dabagal ku sameeyaan boobka Kheyraadka dalka.
  • Hanti dhowrka Qaranka waxaa la gudboon in uu sameeyo baaritaan deg deg ah oo la xiriirta heshiiska, qaabka uu ku yimid, lacagta ka soo gasha dalka IWM.
  • Madaxda Dowlad Goboleedka ee dhawaan laga yaabo in ay ku shiraan magaalada Muqdishu, waa in ay dib u eegis ku sameeyaan heshiiska lala galay shirkadaha Shiinaha isla markaana lagula xisaabtamo dowladda dhexe xaraashka Khereaadka Somaaliya
  • Soomaalida gudaha iyo dibada waa in ay ka dhiidhiyaan kooxda tuugada ah ee lacagta joogtada ah ka qaadato shirkadaha Kaluumeysatada Shiinaha isla markaana laga hor yimaado heshiiska naasnuujinta ah ee uu uu hogaanka u hayo Xasan Kheyre.
  • Saafaxada Madaxbaaan waa in ay saleeymaan baaritaan buuxa oo la xiriirta xaraashka kheyraadka Badda.
[pdf-embedder url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2019/04/Somalia-MOU-final-1.pdf” title=”Somalia-MOU-final (1)”]

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!