Shirkadaha Daalo iyo Jubba Oo ku guulestay Daabulista Xujeyda Soomaalida&Shirkadihii uu taageerayay Khayre Oo fashilmay

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Garoonka diyaaradaha Aadan cade ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow ay halkaasi ka soo dageyn labo diyaarad oo lagu daabuli doono xujeyda soomaalida.

Diyaarada haan kasoo dagay Aadan Cade ayaa waxaa iska leh shirkadaha diyaaradaha ee Daalo iyo Jubba waxaana sida la sheegay diyaaradahaan ay qeyb ka qaadan doonan daabvukida xujeyda soomaalia ee sanadkaan xajka aadaya.

Waxaa jiray muran xoogan oo ka dhextaagnaa shirakahan diyaaradaha ee Daalo iyo Jubba sgirkado diyaarado oo gacan saar la leh Xukumada uu hugaamiye Khayre waxaana  halkaasi ku fashilmay shirkadihi dowlada gacansaarka la,lahaa ee ocean iyo freedom oo sameeyey iskuday ah in ay saami ka qaataan daabulaada xujeyda, laakin waxaa rajadoodi bur buriyay dowlada sucuudi arabia oo  sheegtay inay aqoonsantahay oo kaliya shirkadaha Daalo iyo Jubba,

Khilaaf ka taaagnaa Arimaha xajka ayaa sababay in xilkiisa uu kuwaayo Wasiirka arimaha diinta ee xukumada soomaaliya.

Sikastaba ha ahaate waxaa la rajeenya in todobaadka soo socdo ay bilaabmato qaadista xujeyda soonaalida.