Shirkada Twitter oo ka xirtay MW Farmaajo in ka badan 100 koontooyin oo been abuur ah (Cadeymo)

Reading Time: 2 minutes

Shirkada Twitter ayaa 48 dii saacadood ee ug danbeeysay waxa ay ka xirtay kooxaha taageera Madaxweyne Farmaajo koontooyin kuwaas oo si been abuur ah lagu furay si loogula dagaalamo mucaraadka ka soo horjeeda Madaxweyne Farmaajo.

Shirka Twitter ayaa baaritaan ay sameeysay ka dib waxa ay ku ogaatay Koontooyinka lagy furay magacyo been abuur ah labdii maalin ee u danbeeysay. Koontooyinkaas ayaa isku fartiin dirayay kuwaas oo dacaayad loogu sameeynayay MW Farmaajo. Inta badan koontooyinkaas Twitter–ka ayaa laga sameeyay magaalada Muqadishu, gaar ahaan xafiisyadda Madaxweyenaha iyo Ra’iisal Wasaraha Xassan Kheyre.

Waxaa koontooyinkaas loo bixyay magacyo kala duwan ayaga oo ka imaanayay ama ku xirnaa waxa loo yaqaano IPS kooban oo ku yaalo Soomaaliya iyo Ingriiska.  Shirkada Twitter ayaa bilaawday hirgalinta sharciga cusub oo sanadkii hore ka soo baxay dowlada Maraykanka.

Waxaa nasiib xumo ah in Madaxweynihii dalka Soomaaliya iyo R’iisal Wasaarihii  xukuumada ay labadaba ay ku mashquulsan yihiin in  dhaqaale ku bixiyaan faafinta been abuur iyo istcmaalka Baraha Bulshada.

Cidkastaa ee aragtaa koontooyin been abuur ah waxa ay la xiriri kartaa shirkadda twitter qaybteeda diiwaan galinta si loo xirto.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!