Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cabdiwali Suufi Jibriil ayaa shaaciyay in shirkada Facebook ay Somaliland keentay xadhig Internet ah, kaasi oo ay ugu talo-gashay inay bulshadu isticmaalaan.
Wasiir Cabdiwali ayaa sheegay in ay xukuumadda iyo sadex shirkadood ee isgaadhsiintu ay ku heshiiyeen shirkad ka shaqayn doonta kaabayaasha xadhkaha Internet-ka iyo gudbintooda, taasina ay keentay in xadhko badan oo caalami ah ay ku soo hirtaan inay keenaa xadhko xambaara internet-ka.
Ugu danbayn Wasiirka ayaa sheegay in cid kasta oo reer Somaliland ah oo awooda ay keeni karto xadhiga xambaara internet-ka, loona siman yahay.