Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, ayaga oo hakad-geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa jidadka caasimada, mana jiro wax dhaq-dhaqaaq ah, ayada oo u jeedadu tahay in la adkeeyo amniga, maadaama uu shir caalami ah maanta ka dhacayo Muqdisho.
Sari u qaadida amniga magalaada Muqdishom ayaa loogu gogol xaarayaa shirweynaha maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo dowlada federaalka iyo waddamada dariska ee loo yaqaano dalalka safka ee ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.
Arimaha laga hadlayo waxaa kamid ah iskaashiga amniga gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Madaxda ayaa sidoo kale si hoos iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Al-Shabaab, maadaama ay haatan culeys soo saartay caasimada Muqdisho, kadib markii lagu soo jabiyay gobollada.