Shir u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ka jira dalka ayaa waxaa maanta la filayaa inuu shir uga furmo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Madaxweynaha dowladdda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku soo casuumay shirkan, oo la qorsheynayo inuu ka furmo madaxtooyada Somalia.
Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Siciid Cabdullaahi Deni oo horey ugu sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ku soo biiray Madaxweyne-yaasha maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Shirka ayaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee uu muranka badan dhaliyay.
Dhanka kale wararka qaar ayaa sheegaya in shirka uu dib u dhici karo illaa Sabtida, intastoo arintaasi aysan wax wara ka soo saarin madaxtooyada Somalia.