Shirka Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Oo Goordhow Furmay

MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
6 9 days
0 0 hours
5 5 minutes
3 0 seconds
Reading Time: 2 minutes

Waxaa Goordhow Hotelka Jaziira ee Magaalada si rasmi ah uga furmay Shirweynaha Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2020/2021, kaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Shirka oo socon doono muddo sadddex maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saaraa xaaladda siyaasadeed ee xiligaan dalku marayo, Arrimaha Doorashada ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo sidii Muhsraxaiinta u sameeyn lahaayeen Is-baheysi mid ah.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Musharaxiin dhowr ah oo u taagan xilka Madaxweynaha dalka oo ay ku jiraan Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Daahir Maxamuud Geelle, Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Musharaxiin kale oo dhowr ah oo shalay soo gaaray Caasimadda dalka.

Xalay ayaa Muqdisho waxaa kulamo gooni gooni ah ku yeeshay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale, waxaana ay ka hadleen sidii looga arrinsan lahaa shirka Maanta u furmau Musharaxiinta.

   

Doorasho