Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada ee Ka Furmi Doono Baydhabo oo Walwal Xoogan Ku Haaya Xasan Cali Kheyre Iyo Go’ano So Bixi Dona

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa goor dhow ka furmi doona shirka madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo looga hadlayo dhawr ajande.

Goobta lagu qabanaayo Shirka ayaa hadda waxaa ku sugan Madaxda dowlad goboleedyadda iyo Wafdigooda, waxaana lagu waddaa in uu furmo.

ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xerooyinka laga soo saaray ciidamo cusub, kuwaasi oo la dhigay wadooyinka iyo xarunta shirka lagu qabanayo, si ay uga hortagaan arbushaad dhacda inta uu socdo kulanka.

Shirkan aya la aminsan yahay in qodobada kaso bixi doono uu dhibato ku noqon doono Xuumada Soomaaliya oo walaac ka muujineyso waxa ka soo bixi kara shirkan, maadaama maalmahan uu jiray mad madow u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada.