Shirka madaxda ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ka furmay Uganda

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta ka furmay dalka Uganda Shirka madaxda ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta uu ka qeyb galo furitaanka Shir ay halkaasi ku yeelanayaan Madaxda dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga xoreynayo Alshabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka ku soo bandhigaysa sida ay uga go’an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhammaadka sannadka soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga saarayo Al-Shabaab dalka iyo guud ahaan gobolka ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doono Madaxda ka qeyb galeysa shirka, isaga oo kala hadli doono garabsiinta dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab.