Waxaa asbuuca soo socda ka furmaya magaalada Dhuusamareeb shirkii Madasha Wadatashiga Qaran kaas oo la filayo inay ka soo qeyb-galaan madaxda dowlad goboleedyada.
Shirkaan ayaa la sheegayaa in looga hadlayo arimaha Amniga dalka iyo qaabkii loo dardar galin-lahaa dagaalka looga soo horjeedo argagaxisada AL Shabaab. Sida ay shegeyaan warar hordhac ah, Waxa aan shirkaas soo xaadiri doonin madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in MW Deni iyo MW Xasan ay si gaara ugu kulmi doonaan magaalada Galkacyo marka uu dhamaado shirka Dhuusamareeb. Kulankaas ayaa waxaa fuduedeynaysa dowlada Imaaraadka Carabta.
Shirka Dhuusameeb ayaa ku soo aadayo iyada oo deegaanka Galmudug uu ka socdo dagaalka looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab.