Shirka GWQ oo maalintii 4aad galaya & una muuqda inuu fashil ku soo dhamaanayo

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Maanta Maalintii Afaraad oo xiriir ah galaya Shirka Golaha wadatashiga Qaran, kiwaas oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka oo Isniintii ka furmay Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa Warbixino looga dhageystay, Midowga Musharrixiinta, Wakiilada Beesha Caalamka, Ururada Bulshada rayidka iyo Wakiilo ka socda Haweenka.

Madaxda ka qaybgaleysa shirka ayaa u muuqda kuwa ay adag tahay in ay heshiis buuxa oo lagu wada ganacsan yahay  ay ka gaaraan qodobada muhimka ee la isku haysato.  Waxaana macquul ah inay si wadajira u muujiyaan inay heshiiyeen,  saana saaraan warmurtiyeed lagu qancinayo shacabka iyada oo xaalada doorasha aan waxba iska badalaynin.

Shalay Gelinkii dambe ayaa Madaxda Golaha wadatashiga waxaa ay aad uga doodeen Arrimaha Amniga oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu dalbaday in lagu wareegiyo, taas oo ay ku kala aragti duwanaadeen Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana Wararka la helay ay sheegayeen in Ra’iisul Wasaaraha uu sheegay in hadii aan lagu wareejin amniga dalka aan la qaban karin doorashooyinka dalka.