Shirka Golaha Wasiiradda Jubbaland Maxaa Maanta Looga hadlay??

Reading Time: < 1 minute

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa waxa uu shir gudoomiyey Kulankii Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Shirkaas waxaa iskugu yimid Golaha Wasiirada Jubbaland iyadoo warbixin laga dhageystay Madaxweyne Axmed Madoobe oo Safar dibada ah ku maqnaa.

Madaxweyne Axmed Islaam Madoobe waxa uu sheegay in Magaalada Nairobi uu kula Kulmay Mas’uuliyiin ka socotay Beesha Caalamka islamarkaana ay dhowr Ajande iskula soo hadal qaadeen.

Waxa uu Axmed Madoobe sheegay inay Beesha Calaamka kala hadleen islamarkaana hormarka Jubbaland ay kala sheekeysteen.

Mr Madoobe waxa uu sheegay inay ka codsadeen Diblomaasiyiin uu la kulmay inuu kala hadlay sidii loo siin lahaa Taageero Dalka Soomaliya iyo dawlada Dhexe maadaama iyaga ay Dawlada Federaalka Maamul Ahaan hoos tagaan.