Shirka G. Wadatashiga Qaran oo isku raacay inaan la dhaleeceyn Laftagareen

Reading Time: < 1 minute

War-murtiyeed ka kooban 5 qodob ayaa laga soo saaray shirkii saddexdii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Golaha ayaa marka laga reebo Puntland saxiixay heshiis siyaasadeedka hannaanka federaalaynta garsoorka, iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.

Sidoo kale Golaha, ayaa marka laga reebo Puntland isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka astaynta awoodaha heerarka dowladda, kuwaas oo kala ah: awoodo u gaar ah heer federaal, kuwo u gaar ah heer dowlad goboleed iyo kuwo wadaag ah.

Dhanka kale Golaha ayaa si aqlabiyad ah isugu raacay in aan marnaba la dhaleeceynin Falkii ka dhacay magaalada Baydhabo, iyada oo goluhu ayiday hindisihii Gudoomiye Aadan Madoobe oo lagu baaqay shir dib u heshiisiineed.

Talaabadaan uu goluhu qaaday ayaa waxa ay dhiirigalin u tahay Madaxweyne Laftagareen, isaga oo dib ugu noqonaya magalaada Baydhabo isaga oo ayan shaki uga jirin hogaankiisa ugu yaraan sanadka soo socda.