Shirka Culimada Soomaaliyeed ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho!

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmaya shirweyne la isugu keenayo Culimada Soomaaliyeed oo gudaha iyo dibadda isaga kala timid si ay uga doodaan dhowr ajende oo miiska saaran oo gunaanadkiisa lagu wado in war laga soosaaro.

Qaar kamid ah culimada ka qaybgaleysa shirkaan ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay jiheynta Dalka si Culimadu usoo saarto bayaan guud oo ku socda Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Shacabka.

Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Cumar (Cali Dheere), Agaasimaha Waaxda Diinta & Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka Wasaaradda awqaafta & arimaha diinta Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaan uu kusoo beegmay waqti loo baahan yahay.

Culimada gudaha & kuwa Dibadda ka imaanaya ayuu tilmaamay in ay diiradda saari doonnaan in ay dul istaagaan qodobo badan oo u baahan in la caddeeyo lagana soosaaro warmurtiyeedka gunaanadka shirkaan.

“Waa shir Culimada Soomaaliyeed loo qabanayo, waa shir maslaxada guud looga hadlayo, waa shir la doonaayo in waddanka uu is raaco, si fiican isu raaco, diinta islaamkana isu raaco, Culimaduna si qeexan ra’yidooda usoo bandhigto, waa shir la rajeynayo haddii alle idmo in qodobo kasoo baxaan, waana la caddeyn doonaa qodobadiisa” Sheekh Cali Dheere.

Qaban qaabada xafladda furitaanka Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa ka socota Magaalada Muqdisho waxaana ka qaybgalaya mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka oo khudbado ka jeedin doonna.