Shirka Campala ka Furmaya Maxaa Looga Hadlayaa??

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Kampala ee Caasimada Dalka Uganda, Waxaa Maanta ka furmaya shir ku saabsan istaraatiijiyadda xoojinta Ciidanka Soomaaliya, iyadoo uu ka qeybgalayo Madaxweynaha Dalka Farmaajo

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, tayeynta Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa AMISOM.

Madaxda dalalka ciidamdu ay ka joogaan Soomaaliya, xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, Madax ka socota Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa ka qeyb gelaya shirkan, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu hor dhigo doono qorshe Soomaaliyeed oo ku qotoma ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Uganda ayaa sheegtay in Shirka ay isugu imaanaya madaxda Dowladaha ay Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, waxaana shirkan guddoomin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweynaha oo maalmihii u dambeeyey kormeer ku tagay xarumaha Gaashaandhigga, Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa kala hadli doona Beesha Caalamka in ay kala shaqeeyaan hir gelinta istaraatiijiyaddan, maadama ay ka tarjumeyso rabitaanka dhabta ah ee Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, iyadoona uu kala hadli doono sidii ay u dardar gelin lahaayeen taageerada ay ku siiyaan DFS dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab .

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb gelaya Shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod, La-teliyaasha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Qaranka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka.