Shirka Brussels Axmed Madoobe ma lagu Bahdilay Misa halagu barto ayeey ka aheed+Kooxda Qiyaano qaran oo !!

Reading Time: < 1 minute

Hogaamiyaha maamul goboleedka Jubaland Axmed madoobe iyo xubnihii la socday ayaa ka shalay baxay shirki ka socday magaalada Brussels ka kadib markii ay u kasoo horjeesteen ajandayaasha shirka oo ay sheegeen in wax laga bedelay sidii horay la isugu ogaa.

Dhacdada kadib waxaa soo farageliayay xubno ka socday dowladda federaalka iyo beesha caalamka si ay u xaliyaan.

Dhabcan sida xaqiiqda ah beesha caalamka uma soo faragelin in ay ku qanciyaan Axmed Madoobe inuu shirka ka qeyb galo, lkn waa fariin ay caalamka ku tusinayaan in somaali weli yihiin umad kala daadsan,aanan wada jir ku hashiin dhexdooda, is xalin karin, fara gelin shisheeyana aan ka maarmin.

Axmed Madoobe iyo xubnihii la socday ayaa shirka ku laabtay kadib markii uu la hadlay masuul ka socday beesha caalamka iyadoon ajandayaashii shirka waxba laga bedelin sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka.

Waa nasiib darro weyn oo heystay siyaasiyiinta soomalida inaysan dhexdooda waxba kala maqlin, waxna isku ogoleen lkn ay shisheeyahay kale u dhega nugulyihiin, tiiyoo ay dheertahay marka khilaaf soo kala dhexgalo inaysan hashiin karin inta shisheeyaha kasoo faragelinayo.

Si kastaba, eedda ugu weyn ayaa kusoo laabaneysa kuwa matala shacabka oo marka hore u sacaba tuma soona doorta shaqsi bulshada ugu liita iyagoo ku dooranaya nin jeceleysi ama qabyaalad,isagana wuxuu dooranayaa kuwo kale oo kasii liita kuwaasoo dhib mooyee aan dheef laga arag.