Shirka Beesha Xawaadle oo ka furmaya Nairobi & La xisaabtanka DFS? Maxa laga filan karaa?

Reading Time: 2 minutes

Waxaa la filayaa in magalaada Nairoi ay maalinta berito ah uu si rasmi ah uga  furmo shirweyne  ay lagu sheegay inay ku kulmayaan madaxda, ganacsadata, waxgaradka  iyo hogaanka beesha Xawaadle. Shirkaan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar kamida waxgaradka beeshaas, maalgalin ay ku sameeynayaa ganacsatada beesha Xawaadle  ayaa lagu sheegay in ujeedadiisu ay salka ku heyso afar qodob.

  1. Xog wareysi iyo wadatashi beesha dhexdeeda ah kaas oo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka beesha dhexdeeda ka socday mudooyinkaan danbe.
  2. La xisaabtanka dowlada Federaalka oo ay beeshu ku eedeysay inay ka leexatay awood qaybsiga siyaasadda dalka iyo deegaanka Hirshabeelle ee ku dhisan 4.5. Tani ayaana ka dhigaysa beesha Xawaadle inay tahay beeshii ugu horeeysay oo si toos ah mucaarad ugu noqota  hogaanka Dowlada Federaalka.
  3. In gabi ahaanba beesha qaadacdo dhismaha maamulka Hirshabeelle, waxa ayna ku baaqaysaa in gabi ahaanba dib loo yagleelo dowlad goboleedka Hirshabeele oo beeshu raali ku tahay. Isbadalkaasna uu noqdo mid ay ku jiraan qaabka awood qaybsiga iyo wax ka badalida hogaanka maamulkaas.  Sida cida noqonaysa madaxweynaha Hirshabelle.
  4. Qiimeynta dhulkii laga xureeyay Al Shabaab, qaabkii hogaan loogu sameeyn lahaa deegaanadaas iyo cida uu toos u hoos imaanaya iyo Xiriirka beesha kala dhaxeeyo maamulka DDS ee Itoobiya.

Qodabada kor ku xusan ayaa noqon doono kuwa   ay beeshu si xoog leh uga doodi doonto, go’aan culusna ay ka soo saari doonto. Go’aanka ka soo baxaa shirkaas wax uu si toos u saaameyn doonaa  dowlada Federaalka iyo hogaankeeda iyo qabiilada la dega beesha Xawaadle degaanka Hirshabeelle.

Su’aalaha is weydiinta u baahan  ayaa  waxaa kamida: Waa maxay talaabooyinka ay qaadi doonaan beelaha kale ee dega Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, gaar ahaan  hadii ay u arkaan qodobada ka soo baxa shirka beesha Xawaadle  kuwa aan ka tarjumeynin danahooda? Ayaguna ma shirar noocaan oo kale ayaa ay qabsan doonaan oo ay ku radinayaan shirka beesha Xawaadle.

Waxaan shaki ku jirin in shirka noocaankaan ah ee shir beeleedka uu dhiirigalin doono in beelaha kale ee Soomaaliyeed ee dooda ka qabo geedi socodka siyaasadda Soomaaliya ay iyaguna isugu yimaadaan shirar noocaan oo kale ah.

Magaalada Nairobo oo ay hada ku sugan yihiin siyaasiyiinta Soomaalida oo ay ku jiraan hogaanka labada aqal, wasiiro, xildhibaabo ayaa isku badashay meel laga soo abaabulo  shirar siyaasadeysan oo mucaarad ku ah dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waxaa bisha Juun ee sanadkaan ku balansan magaalada Nairobi mucaaradka dowlada Federaalka kuwaas oo hal sano ka dib doorashada madaxweyne Xasan Sheekh iska wareeysan doono  siyaasada Soomaaliya iyo qaabka loo wajihi doono.