Shirka Badqabka Saxafiyiinta ee Ka Furmay Xerada Xalane oo Qaar Ka Mid Ah Maamul Goboledyada Dalka Si Xun Logula Dhaqmay

Reading Time: < 1 minute

Waxa maanta uu Shirka Badqabka saxafiyinta uu ka furay Xerada Xalane ee Muqdisho waxana Qaar ka mid ah wasaaradaha warfaafinta ee maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood ayaa isaga baxay shirka.

Wasaaradaha warfaafinta ee maamul goboleedyada Galmudug, iyo Jubbaland ayaa sheegay in ajendihii shirka la bedalay iyaga oo aan ka war heyn, islamarkaana howshu ahayd mid aanay ka wasaarado ahaan door ku lahayn.

C/raxmaan Jaamac Afrax, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ka wasaarado ahaan ay isla garteen in shirkaan isaga baxaan maadaama kala sooc iyo ajende bedel yimid.

C/nuur Cali Aadan wasiirka warfaafinta Jubbaland oo isna la hadlay Warbaahinta, ayaa dhankiisa wuxuu tilmaamay in la kala faquuqay wariyeyaasha Soomaaliyeed, sidoo kalena ajendihii badqabka Suxufiyiinta waxa laga bedalay.