Waxaa magalaada Garowe si rasmi ah uga furmay shir gaar ah oo loogu magacdaray shirka aayo katashiga beelaha Harti, gaar ahaan kuwowga ku dhaqan deeganada Puntland iyo Somaliland.
Kulankaan oo ay u dhan-yihiin isimada dhaqanka ee beelaha Harti ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyada oo uu socda dagaalka Lascaood ee u dhaxeeya beelaha Harti SSC iyo Somaliland.
Kulankaan ayaa la filayaa inuu noqon doono mid isku soo dhaweeya beelaha Harti, islamarkaana lagu mideeyo cududa beelaha Harti sida dhaqanka, siyaasadda iyo awooda ciidanka.
Kulankaan ayaa sidoo kale fartiin cad u diraya beelaha kale ee Soomaaliyeed, gaar ahaan beelaha dega Somaliland, taas oo micnaheedu yahay in Beelaha Harti ay isku talo iyo mabda’ yihiin.