Shirarkii waxgaradka magaalada Baladweyne oo guulo laga gaaray

Reading Time: < 1 minute

Waxaa labadii maalin ee u danbeeysay ka socday magaalada Baladweyne shirar xal loogu raadinaayay qalaalasaha ka dhacay magaalada Baladweyne. Sida ay sheegayaan xogta ka imaanaysa  Magaalada Beledweyne  xal ku meel gaar ah ayaa laga gaaray xaaladii cakirnayd ee ka jirtay magalaada. Waxaa maanta dib loo furay wadooyinka magaalada Beledweyne waxaana bilaawday isku socodka magalaada.

MW Waare Maxamed Cabdi Waare  ayaa  qayb ka ahaa kulamo gooni gooni ah oo ka dhacay magaalada gaar ahaan ehelada marxuumka lagu dilay Deegaanka kalabeyr ee Gobalka Hiiraan, kaasi oo lagu magacaabi jiray Taliye macow.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa la sheegay in odayaasha uu ku qanciyay in xiisada la dajiyo, lagana wada shaqeeyo nabad-galyo, isaga oo u balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan caadallada loo horkeeno.