Shirarkii  mucaaradka oo la qaban jiray marka dowlada u hartay bilo ayaa bilawaday sanado ka hor? Farmaajo dareen ma leeyahay? (Faalo)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa ka bilaawday dalka gudahiisa iyo dibadiisaba kulamo ay soo qaban-qaabiyeen siyaasiyiin dhaliilsan geedi socodka siyaasadda Soomaaliya. Waxaa maanta ka furmay magaalada Nairobi kulan ay ka soo qeyb-galeen xisbiyo iyo siyaasiyiin hore.

Kulumada noocaan ah ayaa waxa la qaban jiray  marka ay dowladda u hartay lix bilood iyo wax ka yar.   Magaaladda Nairobi ayaana ahayd goobaha laga soo abaabulo kulamada noocaan ah, kuwaas oo dhamaantood ku guuleystay in ay badalaan  hogaanka dowladihii horay u jiray.

Waxaa muuqata in mucaaradnimada ka bilaabatay magaalada Nairobi ay noqon doonto mid keeni doonta in dowlada Faramaajo hawada ka baxdo. Farmaajo hadii uusan isabdal deg deg ah ku sameeynin dowladiisa si ay u hesho labo-kacleeyn cusub  oo rajo galisa shacabka,  hadii ayan taa dhicin waxaa abuurmi doono mowjado siyaasadeed  oo Farmaajo uusan waxba ka qaban karin:

Maxaa ka dhalan kara shirarka mucaraadka / Ibaheysiyadda oo hadda bilaawday:

  1. Kulamada ka bilaawday magalaada Nairobi waxa uu ku soo aaday iyada oo shacabla Soomaaliyeed ka niyad jabeen dowlada uu hogaamiye Farmaajo, taasi ayaana siisay mucaaradka fursad ay ku dhiiradaan in ay bilaabaan abaabul siyaasadeed
  2. Hogaanka dowladda Goboleedyada iyo isbaheysiyada siyaasadeed oo isku meel ka soo jeestay, arintaan ayaa keeneysa in ay abuuranto awood siyaasadeed oo aan la hor istaagi karin
  3. Xiriirka Dowlada Kenya iyo Soomaaliya oo meel xun maraya ayaa keentay in dowlada Kenya faxas buuxda siiso mucaraadka ks horjeedo dowladda Farmaajo,
  4. Isbaheysiyada isbedel doonka siyaasadeed waxa ay intooda badan ka soo bilaaban jireen magaalada Nairobi.. Farmaajo waa uu garan karaa awooda mucaraadka lagu aasaaso dalka Kenya.
  5. Farmaajo iyo kooxdiisa oo lagala wareegay awooda istcimaalka baraha bulshada, taas oo keentay in shacabku ku dhiiradao in ay dowlada ka soo horjeestaan
  6. Iyo Beesha caalamka oo si dadban uga soo horjeesatay Farmaajo iyo kooxdiisa.
  7. Dhaqaale daro baahday oo heysata dowladda taas oo soo dadajineyso Kacdoonka Shacabka

Shirk ka bilaawday Magalaada Nairobi ma noqon doono mid ku ekaada Nairobi balse waxa uu noqon doonaa mid ku fida dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Fursada kaliya ee Farmaajo u hartay waa in uu sameeyaa laba kacleynta dowladiisa taas oo ka bilaabaneyso in uu badalo Ra’iisal Wasaarihiisa,. Hadii uu isbadal imaan waayo waxaan shaki ku jirin in  dowalada uu hogaamiye Farmaajo ayan dhameysay doonin waqtigeeda.